Sign in to follow this  
Deeq A.

C/Xaashi “Shabelle Waa Hormuudka Warbaahinta”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle oo maanta xusaya sanad guurada 18-aad ee ka soo wareegtay aas aaska shabakadda warbaahinta Shabelle.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Shabelle ay tahay hormuudka warbaahinta dalka, maadama dhidibadda loo muday, iyadoo aysan jirin warbaahin badan.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kula dardaarmay maamulka Shabelle in ay sii wadaan dadaalka ay kor ugu qaadayaan wacyiga bulshada Soomaaliyeed.

Shabelle intii ay jirtay waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, daruufo aad u qalafsan oo xittaa la’isku dayey in lagu aamusiyo, balse himiladaasi aysan suurto-gelin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this