Deeq A. Posted May 6, 2020 Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Somaliland,Mudane Cumar Cali Cabdullaahi (Bade) oo goor dhow jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka faafa ee Coronavirus. Wasiir Bade ayaa sheegay inay soo kordheen illaa saddex xaaladood oo cusub oo Covid-19 ah, kuwaas oo uu sheegay inay diiwaan-geliyeen saacadihii la soo dhaafay. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dhammaan saddexadaasi qof ee laga helay xanuunka ay ku sugan yihiin Hargeysa, islamarkaana la geliyey xaalad karantiil ah. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixintiisa ku shaaciyey hal qof oo dhimasho ah, kaas oo noqonaya ruuxii labaad ee uu Somaliland ku dilay Covid-19. Dhinaca kale tirada guud ee deegaanada Somaliland ee laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa haatan mareysa illaa 12 qof. Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi ayaa wada dadaallo ballaaran oo lagu xakameynayo fidista cudurkan oo weli fara ba’an ku haya wadamo ku yaall caalamka. Share this post Link to post Share on other sites