Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo lagu eedeeyey inay dhalinyaro ku dileen Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Naciimo Yuusuf Ibraahim oo ka mid golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay dad shacab ahaa ku dileen deegaanka Kabahirig ee gobolka Sh/Hoose.

Senatorada oo wareysi siisay Mustaqbal ayaa sheegtay in dadka la dilay oo ay ku eedeysay inay toogteen ciidanka Danab ay gaarayaan saddex qof, labo kalena ay dhaawaceen, islamarkaana mid kood isagoo dhaawac ah ay horay u wateen.

Sidoo kale Senator Naciimo Yuusuf Ibraahim ayaa carabka ku dhuftay in dadkaasi la dilay ay ka mid ahaayeen dhalinyaro deegaanka ah oo is-abaabulay, si  ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

“Waa dhacdo aad u foolxun in Ciidamada Dowladda oo isugu jira Danab iyo Bangarafti ay dilaan dad shacab ah, iyada oo ay is dhexmarayaan dhinacyadii dagaalamay, Dowladdu ma mid shacabka u shaqeysaa mise waa mid ku howlan dhibaateynta rayidka, ha inoo sheegto haddii ay yihiin Ciidamo qabiil ama kuwa qaran.”ayay tiri Senator Naciima.

Naciimo Yuusuf Ibraahim oo hadalkeeda sii wadata ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka jira halkaasi, islamarkaana ay taageeraan dhalinyaradaasi oo ay tilmaamtay inay la mid yihiin kuwa Macawiisleyda.

“Dadkaan waxa ay lamid yihiin Macawuusleyda la dagaalantay Al-Shabaab, waxa la raadinayo waa in xorriyadda dalka dib loo helo, waa in aan la marin sida dadka deegaanka ah ee is xilqaamay Hir-Shabeelle loogu fashilmay oo kale” ayay markale tiri Senator Naciimo.

Eedeyntaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan heshiis nabadeed laga gaaray colaad muddo ka taagneyd degmada Wanlaweyn, kadib markii uu degmadaasi gaaray guddoomiyaha darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Xasan Cali Nuur Shuute.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this