Deeq A. Posted May 6, 2020 Degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xalay ka badisay dhiggeeda degmada Cabdicasiis ee gobolkan Banaadir, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo ay xalay tartanka ku awood sareysay Marka ayaa ka wada tirsanaa group-ka C, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Cabdicasiis ayaa la timid 4 buundo oo kaliya, halka Marka ay keensatay dhibco gaaraya 18, waana degmadii ugu horreysay oo tiro intaasi la’eg ku badisa, tan iyo markii uu bilowday tartan aqooneedka TV-ga iyo Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale waxaa caawa barnaamijka ku madlan degmooyinka Warta Nabadda iyo Xamarjajab oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Warta Nabadda ayaa horay uga soo badisay degmada Marka, halka Xamarjajab laga soo badiyey, kadib markii ay isku soo aadeen degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites