Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Soomaaliya oo u hambalyeysay Idaacadda Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo ku hadlayey afka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray howlwadeenada Shabelle oo maanta u dabaal dagaya sanad guurada 18-aad ee aas-aaskeeda.

Cabdinuur ayaa sheegay in Shabelle ay tahay Idaacad madax banaan, islamarkaana ay ku soo shaqeysay daruufo adag.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhalinyaro badan oo suxuufiyiin ahaa laga dilay Shabelle, iyaga oo bulshada u adeegaya.

Shabelle ayaa  si rami ah hawada u soo gashay sanadkii 2002-dii, iyadoo xilligaas lagu aas-aasay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Turki-cabdinur-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this