Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo war rasmi ah ka soo saartay diyaaraddii lagu soo riday Bardaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa looga hadlay diyaaraddii maalin ka hor ciidanka Itoobiya ee ka tirsan howlgalkaasi ay ku soo rideen degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Qoraalkaan oo uu soo saaray madaxa guud ee ciidanka AMISOM, ahna wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa lagu sheegay inay fududeyn doonaan baaritaanada socda, si loo cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi.

Sidoo kale AMISOM ayaa tacsi u dirtay qoysaska iyo ehellada lixdii qof ee ku dhintay shilkaasi diyaaradeed.

Warka ka soo baxay xafiiska Madeira ayaa sidoo kale lagu sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

“Diyaaradda ka tagtay Baydhabo, waxaa saarnaa lix qof, waxayna ku sii jeedeen Bardaale, oo 300km waqooyi galbeed kaga toosan Caasimadda Muqdisho, hawlgalka Midowga Afrika ayaa soo dhaweynaya go’aanka ay gaareen Hoggaamiye-yaasha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka.”

Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu yiri “Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaanada looga goleeyahay in lagu cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi.”

Shalay ayey aheyd markii wafdi ka socday dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay gaareen goobta ay ku dhacday diyaaradda oo ah degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxaan haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan, sida uu u dhacay shilkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this