Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi ka tirsan Galmudug oo gaaray degaanka Bacadweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddigii uu madaxweynaha Galmudug u magacaabay u gurmadka degaannada daadadku sameeyeen aya xalay gaaray degaanka Bacadweyne ee Koonfurta gobolka mudug si ay u qiimeeyaan xaaladda degaanka oo ay saamayn xooggan ku yeesheen Roob ka da’ay halkaasi.

Guddoomiyaha gobolka mudug oo degaanka galabta tegay ayaa xalay ku soo dhaweeyay Guddi ka kooban Wasiiro kuwaasoo uu magacaabay Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xalay kulan la qaatay guddoomiyaha gobolka iyo Senator Abuukar oo ka tirsan Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda degaanka Bacadweyne.

PUNTLAND POST

The post Guddi ka tirsan Galmudug oo gaaray degaanka Bacadweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this