Sign in to follow this  
Deeq A.

Adiga oo aan ogeyn qof ha dilin – Farriin ka timid Dr. Fuje

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) oo ah La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada u diray fariin wacyigelineed, si gaar ah dhalinyarada Soomaaliyeed maadama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa COVID-19.

Fuje ayaa ugu baaqay dhallinyarada in ay ku dadaalaan dhammaan siyaabaha looga hortago caabuqa, ayna ku nagaadaan guryahooda.

Dr. Fuje ayaa halku dhig uga dhigay fariintiisa “ha noqon dilaaga dahsoon/qarsoon’’, wuxuuna baaq dheer u diray bahda caafimaadka guud ahaan, gaar ahaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan wacyigelinta caabuqa maadaama uu ku faafay dhamaan gobollada dalka si loo xakameeyo baahiddiisa.

Waxaa uu sheegay in Cudurka Coronavirus uu Soomaaliya si weyn ugu baahaayo , islamarkaana maalinba maalinta ka dambeysa uu soo ridaayo dad cusub.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin Masaajidda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.

Waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee Cudurka Covid-19 hadda ugu dhintay Soomaaliya ay yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this