Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiisaska Karoona ee Somaaliya oo gaaray 835

Recommended Posts

Deeq A.   
BG5I8416-scaled.jpg?fit=1000%2C486&ssl=1

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in gobalka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, laga diiwaan geliyay xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada SoomaaliyaFowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku caddeysay in 79 xaalado cusub oo la diiwaan geliyay ay ku kala suganyihiin gobalka Banaadir (38) Jubaland (22) Koonfur Galbeed (11) iyo Puntland (8).

Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 14 qofood ay ka bogsadeen cudurka, 3 bukaanna ay u geeriyoodeen. 62 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, 17-na waa haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 835 waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed in aysan qarsan Cudurka oo ay tagaan xarumaha lagu daweeyo si ay isu baaraan hadii ay isku arkaan astaamaha cudurka lagu garto.

PUNTLAND POST

The post Kiisaska Karoona ee Somaaliya oo gaaray 835 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this