Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr. Gaboose Hadalkiisa iyo Ficilkiisa ayaa Is Buriyey W/Q Cumar Maxamed Faarax

Recommended Posts

Deeq A.   

Duniddu wali waxay la baaxaa-degaysaa Xannuunka COVID 19 oo halistiisu ay xannibaado kala kulmeen Saddex Meeloodoow meel dadyowga ku nool caalamka, halka illaa imika uu asiibay 3 Milyan iyo 567 Kun oo qof, isla markaana ay ku nafwaayeen 248 Kun iyo 313 qof.

Xannuunkan oo curyaamiyey awoodihii adeegyada caafimaadka ee dalalkii loo yaqaanay dunidda horumartay, waxaa xiligan laga cabsi qabaa in Africa noqoto xuddunta xannuunkaasi heeryadiisa dhigto, maadaama oo adeegyada caafimaadka iyo kuwa dhaqaaleba ay liitaan qaaradan.

Afrika waxa laga diwaangeliyey 42 kun iyo 769 Kiis oo Covid 19 ah, waxana xannuunkan ku dhintay 1,759 qof.

Haddaba, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay taagan tahay marxalad bilow ah oo loo baahan yahay in muwaadin kastaaba dhinaciisa masuuliyad iska saaro sidii uu iskaga jiri lahaa xannuunkan sadhada ah iyo islamarkaana uu qoyskiisa iyo bulshadiisa aanu qaadsiin haddii uu isku arko calaamadaha xannuunkan.

Waxaana lagama maarmaan ah in loo hoggaansamo tusmooyinka iyo tilmaamaha dhakhaatiirta, haddiise xannuunkan loo dhegooleeyo waxa dhici karta inuu inala gaadho marxalad xun oo dhibkeeda leh.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa cudurkaas laga helay Sagaal qof, waxa ka kacay 3 qof, halka la xaqiijiyey inuu qofkii u horreeyey u dhintay Coronavirus taasi oo khatarteeda leh loona baahan yahay inaynu yaqiinsanno jiritaanka Xannuunkan iyadoo dadweynuhu aanay dabaqin masaafadii loogu talo galay in dadku isku jirsado iyo in la yareeyo goobaha dadweynaha badani iskugu yimaadaan.

In badan oo ka mid ah tallaabooyinkii xannuunkan lagu suulin lahaa fiditaankiisa waxa dhicisaynaya madax adayga bulshadeenna oo laasintay inay aaminto sheekooyin khuraafaad ah, waxana lagu rajo weyn yahay in baadhista xannuunkan la saddex jibaaro marka Toddobaadkan la hawlgeliyo mishiinkii lagu baadhayey Fayraska Coronavirus.

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa bulshada ugu baaqay inay feejignaadaan oo ay u hoggaansamaan awaamiirta dhakhaatiirta, waxaanu si mug leh u ammaanay hawlwadeennada caafimaadka oo uu ku sifeeyey cidda kaliya ee marxaladda maanta lagu jiro la raacayo go’aamadooda.

Madaxweynuhu waxa kaloo uu dhakhaatiirta ugu baaqay inay ficil u beddelaan tallooyinka ay bulshada u jeediyaan ee la xidhiidha Xannuunka Coronavirus, isagoo si gaar ah u soo qaatay inay xukuumaddu u hoggaansantay talooyin uu u soo jeediyey Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ku wajahnaa in jaadka la joojiyo iyo in dadka lagu wacyigeliyo inay kala durkaan, hase yeeshee ay fajiciso noqotay in Digtoorku uu shaqaalihiisa goob ugu xafladeeyey iyadoo munaasibadaha noocaas ah dalka laga mamnuucay, waxaanu madaxweynuhu Dr. Gaboose ku booriyey in aanu ku dhawaaqin hadal aanu fulinaynin.

Waxaa ay ahayd inuu Dr. Gaboose raaligelin ka bixiyo dhaliishaas lagu hayo, haseyeeshee wuxuu Warbaahinta la soo fadhiistay eedo uu u jeediyey madaxweynaha, taasi oo ray’ul-caamku u fahmeen inay ka turjumayso indho-adayga Dr. Gaboose oo ka galgalanaya Hadalkiisa iyo ficilkiisa oo is burinaya. Waxana Digtoorka horyaala inuu si maangal ah ugu soo noqdo mowduuca oo uu dadweynaha ka qanciyo inay sax tahay iyo in kale xafladii sawiradeedu baraha bulshada qabsadeen ee uu u sameeyey shaqaaliha Cisbitaalkiisa Hal-door.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this