Deeq A. Posted May 5, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya maanta loogu geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Marxuumka oo lagu toogtay xaafadda Dabakaayo Madow ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Xiirane. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii fuliyey dilkiisa oo bistoolado ku hubeysnaa ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan falkaasi. Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo mararka qaar ka dhaca xaafadaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites