Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay degmada Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya maanta loogu geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Marxuumka oo lagu toogtay xaafadda Dabakaayo Madow ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Xiirane.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii fuliyey dilkiisa oo bistoolado ku hubeysnaa ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan falkaasi.

Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo mararka qaar ka dhaca xaafadaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this