Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisada Kenya iyo Itoobiya ee gudaha Somalia oo ka dartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Geeska Afrika ee Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa shaaca ka qaaday in diyaaraddii shalay kusoo dhacdeen magaalada Bardaale ee gobolka ay sare usii qaadayso xiisadda ka dhex oogan dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Diyaaraddaas ayaa waxaa lahaa shirkadda African Express, waxayna ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya. Dadka ku dhintay ayaa waxaa sidoo kale ku jiray laba duuliye oo Kenyan ah, oo lagu kala magacaabo Mabruk Islam Sherman iyo Omar Chiraghdin, kuwaas oo kasoo jeeday Mombasa.

“Kenya iyo Ethiopia waxay u ciil-qabeen dagaal. In diyaarad ganacsi oo Kenyan ah lagu soo rido aag ay maamulaan ciidamada Itoobiya, waxay tusmeyneysa hoos u dhac cusub oo halis ah. Waa nacasnimo iyo fulaynimo in cayaar lasoo guuriyey lagu dul cayaaro Soomaaliyada aan tabarta lahayn,” ayuu yiri Rashiid Cabdi, oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

Labada dal ayaa waxaa horey uga dhaxeeyey xiisad salka ku haysa khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland, oo ay kala taageeraan.

Ciidamada Itoobiya ayaa marar badan isku dayey in ayaga oo taageeraya madaxweyne Farmaajo ay meesha ka saaraan Axmed Madoobe, hase yeeshee waxaa hortaagan ciidamada Kenya oo garabsiinaya madaxweynaha Jubaland.

Si kastaba, Rashiid Cabdi ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in ciidamada Itoobiya aysan marnaba qiran doonin inay diyaaradda soo rideen.

“Haddii malahaygu saxan yahay. Ciidanka Itoobiya marnaba si shaacsan uma qiran doonaan. Dowladda federaalka waxay eedeyn doonta Al-Shabaab, si ay u raacdo sheekada Itoobiya. Kenya waa ay carroon doontaa, miiska ayey u garaaci doontaa saraakiisha Itoobiya, balse si qarsoon. Kuligood waa ay iska aamusi doonaan, wax walbana waxaa lagu illaawi doonaa maalmo gudahood,” ayuu yiri.

Dowladda Kenya ayaa maanta ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay soo caddeyso sababta ay diyaaradda usoo dhacday, halka dowladda federaalka ay sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this