Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo la kulmay guddiga xakameynta cudurka Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee guddiga Qaran ee xakameynta  iyo ka hortagga  Cudurka COVID-19 oo looga hadlay ballaarinta adeegga sheybaarka Coronavirus, maadaama ay kordheen kiisaska cudurka COVID-19, ee Soomaaliya.

Shirka waxaa diirada lagu saaray  heerka diyaarinta isbitaalka Martiin-2 oo geba-gebo maraya si loo helo adeeg caafimaad oo taya leh oo isku jira isbitaalo qalab iyo dawo.

dhanka kale guddiga ayaa ka hadlay sidIi magalada Beledwayne loogu diri lahaa Injineero qiimeyn ku sameeya dhulka jilicsan ee laga cabsi qabo in uu wabiga ka fataho.

Shirka Guddiga qaran ee ka hortagga Cudurka  COVID-19 ayaa  habeen walba u dhaca si caadi ah iyadoo la isticmaalayo Mareegta dhinaca internetka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this