Deeq A. Posted May 5, 2020 Waxaa tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle caawa ku ballansan degmooyinka kala ah Cabdicasiis iyo Marka oo ku wada jira group-ka C ee wareega koowaad, tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Labada degmo ayaa kala matali doono gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Cabdicasiis ayaa horay uga soo badisay dhiggeeda degmada Xamarjajab ee, halka Marka laga soo badiyey, kadib markii ay lugtii hore isku dhaceen Warta Nabadda. Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan wada diyaar garow ku aadan ka qeyb-galka barnaamijka caawa ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Sanadkaan waxaa tartan aqooneedka sanad-laha ah ee Idaacadda Shabelle abaal marin qaali ah ku bixineysa dallada Soomaali Forex Association, halka su’aalahana ay soo diyaarisay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites