Deeq A. Posted May 5, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka qarxay deegaanka Qalaanqalle ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyo labo beelood oo walaalo ah. Dagaalka ayaa salka ku haya arrimo la xariira dhul daaqsimeed, kaas oo uu murankiisu maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa deegaankaan oo dhaca galbeedka Dhuusamareeb. Illaa iyo hadda ma cadda inta uu la’eg-yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo aan la xariirnay ayaa sheegay inay haatan wadaan dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid aad u kacsan, iyadoona weli ay is horfadhiyaan maleeshiyaadkii ku diriray halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites