Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab & Daacish oo ‘la qabtay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland oo weli ku sugan Qardho ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen ciidamada ammaanka Puntland laga gaaray guullo waa weyn, islamarkaana lagu burburiyey shabakado ay la haayeen Al-Shabaab iyo Daacish, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu timaamay in ay qabteen xubno ka tirsan ururadaasi, oo haatan gacanta ugu jira ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Al-Shabaab iyo Daacish oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa inta badan weeraro qorsheysan ka fuliya magaalooyinka waa weyn ee Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Madaxweyne-Deni-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this