Deeq A. Posted May 5, 2020 Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland oo weli ku sugan Qardho ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen ciidamada ammaanka Puntland laga gaaray guullo waa weyn, islamarkaana lagu burburiyey shabakado ay la haayeen Al-Shabaab iyo Daacish, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu timaamay in ay qabteen xubno ka tirsan ururadaasi, oo haatan gacanta ugu jira ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. Al-Shabaab iyo Daacish oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa inta badan weeraro qorsheysan ka fuliya magaalooyinka waa weyn ee Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Madaxweyne-Deni-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites