Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii ciidanka madaxtooyada Puntland oo is-casilay, xilli khilaaf uu hareeyey madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Col. Barkhad Cabdullaahi Yuysuf ayaa maanta ku dhawaaqey in uu iska casiley xilkii uu ka hayey Puntland ee ahaa Taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland.

“Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaan kudhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inan iska casilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada Puntland,” ayuu taliyaha ku yiri qoraal uu la wadaahay madaxtooyaa.

Col. Barkhad wax faahfaahin ah kama bixin sababta uu isu casiley, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in sababta ugu weyni ay tahay wada shaqeyn xumo muddo soo jiitameysey oo ka taagan madaxtooyada, taas oo u dhexeysey ilaa madaxweynaha ilaa qaar ka mid ah shaqaalaha hoose ee madaxtooyada.

Col. Barkhad oo ah nin dhaliyaro ah ayaa leh tababar iyo aqoon dhanka Milteriga ah, waxanaa Madaxweynaha Puntland bilowgii 2019 u magacaabey taliyaha ciidanka Madaxtooyada.

Bil ka hor un ayey ahayd markii sidoo kale uu is-casilay agaasimihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, oo sidoo kale la rumeysan yahay inuu isku casilay khilaaf ka taagan madaxtooyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this