Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Macaliniinta u diiwaan-gashan DF oo mushaarka laga joojiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Macallimiinta wax ka bara Iskuullada ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa ka cabanaya mushaar la’aan dhowr bil ah oo haysata.

Macallimiintaan ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan aysan qaadan wax mushaar ah bishii March illaa hadda, islamarkaana aysan fileyn bilaha soo socda.

Qaar ka mid ah macallimiinta ayaa Caasimada Online u sheegaya in sababta mushaharka loogu diiday ay tahay kadib markii wasaaradda waxbarashada ay dabayaaqadii bishii March ku dhowaaqday in lasoo sanad dugsiyeedkii xilli ay ka harsan tahay dhowr, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

“Waxaa na loo sheegay in maadaama iskuulladii la xiray aynan lahayn wax mushahar ah,” ayuu yiri Macallin la hadlay Caasimada Online, oo intaas ku daray inay marayaan ciqaabta shaqo aysan ayaga joojin.

Tobaneeyo ka mid ah macallimiinta oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale sheegay in dadaal badan oo ay sameeyeen ay ku guul darreysteen helida Xuquuqdooda waxayna baaq u direen madaxda dowladda Soomaaliya.

“Waa ramadaan, Ciidii ayaa soo dhaw wax mushaar ahna ma helin 3 bilood, waxaan codsaneynaa in xuquuqdeyna nala siiyo,” ayuu yiri mid ka mid ah macallimiinta oo nala hadlay.

Barayaashaan oo gaaraya dhowr kun oo ku nool Muqdisho iyo goballada dalka ayaa wajahaya xaalado adag mana ku dhiiran karaan iney warbaahinta si shaacsan uga hadlaan, sababo la xariirta rajo ay ka qabaan shaqadooda.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya wali kama aysan hadlin qeyla dhaanta macallimiinta, sidoo kalena kama jawaabin xiriir ay la samaysay Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this