Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo iscasilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi.

Qoraal kooban oo uu la wadaagay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayuu ku sheegay  in uu iska casilay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin arrimaha keenay iscasilaaddiisa.

Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaan kudhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inan iskacasilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada Puntland” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland loo magacaabay, 2-dii bishii Maarso ee sannadkii tegay ee 2019, waxaana uu xafiiska joogay mudda sannad iyo afar bilood ah.

PUNTLAND POST

The post Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo iscasilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this