Deeq A. Posted May 5, 2020 Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Bardaale. Warka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in dowladda federaalka ay ku howlan-tahay baaritaan daah-furan, natiijada ay la soo deg-dagi doonto. Sidoo kale waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladdu ehellada iyo asaxaabta ay ka baxeen dadkii ku dhintay shilkaasi diyaaradeed. Dhinaca kale laba mas’uul oo la hadlay VOA ayaa u sheegay in diyaaradda ay ku dhaceen wax dhulka laga riday oo mid ka mid ah uu ku tilmaamay gantaal. Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugnaa degmada Bardaale, illaa haatana wax war ah kama soo bixin oo ku aadan dhacdadaasi. Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Muqdisho, iyadoo sii martay magaalada Baydhabo kadibna uga gudubtay magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites