Deeq A. Posted May 5, 2020 Degmada Heliwaa ayaa guul taariikhi ah u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay xalay ka badisay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ku baratameen barnaamijka faca weyn ee tartan aqooneedka Idaacadda Shabelle. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka C ee wareega koowaad, tartanka bisha barakeysan Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan. Heliwaa oo la hoyatay guusha ayaa la timid, 14 dhibcood, halka Balcad ay iyana keensatay 10 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar. Heliwaa oo dadaal badan muujineysa ayaa sidoo kale horay barbaro ula soo gashay dhiggeeda degmada Xamar-Weyne ee gobolkaan Banaadir. Sanadkaan waxaa tartan aqooneedka sanad-laha ah ee Idaacadda Shabelle abaal marin qaali ah ku bixineysa dallada Soomaali Forex Association, halka su’aalahana ay soo diyaarisay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites