Deeq A. Posted May 5, 2020 Allaha u naxariistee waxaa xalay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Siciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa howlwadeenada Kalsan TV. Wariyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Mindi lagu dhuftay, xilli uu kala celinayey haweeney iyo sayigeeda oo dagaalamayey. Marxuumka ayaa Tooreyda waxa ay uga dhacday Wadanaha, waxaana la dhigay isbitaalka Madiina oo uu markii dambe ku dhintay. Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa xabsiga dhigay ninkii Mindida ku dilay wariyaha, waxaana lagu xiray xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana Shabelle uga warbixiyey dhacdadaasi Wariye Maxamed Yuulka oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Siciid, sidoo kalena ay ka wada shaqeynayeen xarunta Kalsan TV ee magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cod-turki.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites