Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo socday in muudo ah ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Xaraakada  Al-Shabaab ay weeraro ku ekeeyeen saldhigyo ciidamada milatariga Soomalaiya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo ka warbixiyey dagaalkaasi ayaa sheegay inay ka hortageen weeraro uga yimid Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this