Sign in to follow this  
Deeq A.

Duq Muqdisho oo kormeer sameeyey + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir kormeerkaan oo ahaa mid uu ugu kuur galayay sida uu u hir galay Bandowgo lagu soo rogay Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha ayaa dhowr Degmo ee uu kormeweray ayuu ku qiimeeyay Xaaladaha Amniga ,Nadaafada iyo Bandowga kaasi oo looga hortagayo Cudurka Karoona Feyrus iyo sidoo kale in la qiimeeyo hahaanka ay u shaqeeyaan Maamulada Degmooyinka.

“Waxaan soo marnay dhowr degmo iyo dhowr wado ee degmooyinka gobolka banaadir si aan ugu kuur galno dhaqan galka bandowga looga hortagayo cudurka dalka kusii faafaya ee Covid-19 iyo sidoo kale amniga guud ahaan Magaalada”sidaas ayuu yiri Guddoomiye Cumar (Filish)

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caafimada mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar (Filish) ayaa shacabka ayaa ugu baaqay in la qaato awaamiirta dowladda ee uu ugu horeeyo bandowga si loo xakameeyo Cudurka qatarta ah ee Karoona Feyruska.

“Hadii aan qafiifinay Bandowga kama dhigna in la joojiyay bulshada waxaan u sheegeyna in wali xaaladu ay taagantahay loona baahanyahay in laga fijignaado goobaha laysku yimaado iyo isdhaxgalka badan sidaa daraadeed marka kale waxaan ka codsaneynaa inay nala qaataan dadaalada iyo wacyigalinta saameynta Cudurkaan Covid-19.

95802592_2567106473528096_7517386871987595813731_2567106716861405_4908853628816595845973_2567106153528128_6638819468703195881976_2567106240194786_6786885760403395920154_2567106816861395_1013363422860995945037_2567106280194782_3616533729347895949067_2567106596861417_7039557668519896015994_2567107070194703_81752799508200

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this