Deeq A. Posted May 5, 2020 Wariya Siciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa televisoinka maxa banaan ee Kalsan ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdiso, sida uu xaqiijiyay xoghayah ururka isutagga saxifiyiinta soomaaliya ee NUSOJ maxamed Ibrahim Macalimuu. Dilka wariyaha ayaa ka dhacay xaafadda Seey-Biyaano ee degmada Hodan, waxaana geystay qof ku hubeysnaa toorrey. Dhaawaca wariyaha ayaa waxaa loola cararay mid ka mid ah cisbtaalada magaalada Muqdisho kaasoo uu markii dambe ku u geeriyooday. Xoghayaha ururka isutagga saxifiyiinta Soomaliya ee NUSOJ ayaa sheegay in ayna garaneyn sababta ka dambeysa dilkiisa, waxaana uu sheegay in ay ka war sugayaan hay’adaha ammaanka in ay baadhitaan ku sameeyaan dilka wariyaha oo ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglaha geystay dilka Ma jirto cid sheegatay dilka wariye Siciid Yuusuf Cali Source Share this post Link to post Share on other sites