Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cumar Filish oo hal arrin darteed u kormeeray degmooyin dhowr ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna  Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed(Filish) ayaa xalay kormeer sameeyey, isaga oo u kuur galayey bandowga xilliyada habeenkii ah saaran Muqdisho.

Cumar Filish oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa  booqday dhowr degmo, isagoo qiimeynayey xaaladaha amniga, nadaafada iyo bandowga, kaasi oo looga hortagayo cudurka faafa ee Coronavirus.

“Waxaan soo marnay dhowr degmo iyo dhowr wado ee degmooyinka gobolka banaadir si aan ugu kuur galno dhaqan galka bandowga looga hortagayo cudurka dalka kusii faafaya ee Covid-19 iyo sidoo kale amniga guud ahaan Magaalada.”ayuu yiri Cumar Filish.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay qaataan awaamiirta dowladda ee uu ugu horreeyo bandowga si loo xakameeyo Covid-19.

“Hadii aan qafiifinay Bandowga kama dhigna in la joojiyay bulshada waxaan u sheegeyna in wali xaaladu ay taagantahay loona baahanyahay in laga fijignaado goobaha laysku yimaado iyo isdhaxgalka badan sidaa daraadeed marka kale waxaan ka codsaneynaa inay nala qaataan dadaalada iyo wacyigalinta saameynta Cudurka Covid-19.

Magaalada Muqdisho oo uu ku sii faafayo xanuunka ayaa waxaa ka dhaqan galay inta badan amaradii ay soo saartay dowladda, sida goobaha waxbarashada oo la xiray iyo bandowga oo si toos ah uga dhaqangalay caasimada, wixii ka dambeeye 8:00 habeenimo.

95845973_2567106153528128_66388194687031 95920154_2567106816861395_10133634228609 95802592_2567106473528096_75173868719875 95813731_2567106716861405_4908853628816595949067_2567106596861417_70395576685198

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this