Deeq A. Posted May 5, 2020 Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka oo socday in ka badan hal saac ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada milatariga Soomalaiya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka intii uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo madaafiic ay qeyb ka ah ahaayeen. ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa jug culus, iyaga oo sheegay in madaafiicda adeegsanayeen ciidamada AMISOM ee weerarka lagu qaaday. Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay inay ka hortageen weeraradaasi, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen raggii soo qaaday. Ma cadda inta uu la’eg yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Shabaab. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Al-Shabaab ayaa weeraradeeda kordhisay tan iyo markii la gudaha galay bishaan barakeysan ee Ramadaan, waxaana weeraradii ugu dambeeyey ay ka fulisay deegaanada Ceelsaliini iyo Baariire oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Share this post Link to post Share on other sites