Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo shaaciyey in ay burburiyeen shabakado ay Shabaab iyo Daacish leeyihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo weli ku sugan magaalada Qardho ayaa ka hadlay xaalada amaan ee maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Siciid Deni ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen ciidamada ammaanka Puntland la gaaray guullo, islamarkaana lagu burburiyo shabakado ay la haayeen Al-Shabaab iyo Daacish oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Sidoo kale wuxuu timaamay inay nolosha ku qabteen xubno ka tirsan kooxahaasi, oo haatan gacanta ugu jira ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulkaasi.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay inay xoojiyeen amniga magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ee ka dhaca halkaasi.

Deni ayaa xusay in maamulkiisu uu ka go’an yahay horumarinta amniga wuxuuna sheegay in isbedal ballaaran lagu sameeyey qorsha amniga ee deegaanada Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday shaqaaqadii dhowaan ka dhacday deegaanka Taaruge ee gobolka Mudug, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan dadka dhibaada ku ah nabad-gelyada.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/COD.mp3

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this