Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed ka socda duleedka Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhow dagaal xoogan uu ka qarxay deegaanka Qalaanqalle oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedk Galmudug.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaas, kuwaas oo isku haya arrimo la xariira dhul-daaqsimeed.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu sii xoogeysanayo

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda deegaankaasi.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona wararka ay sheegayaan in dagaalka ku sii fidiyo tuulooyin ku dhow deegaanka Qalaanqalle ee gobolka Gaduud.

Maleeshiyaadka diriraya ayaa maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyey halkaasi, iyadoo ay fashilmeen dadaallo la doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac.

Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleedyo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka oo ku wada sugan gobolkaasi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this