Deeq A. Posted May 5, 2020 Garoowe (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay baxay guddiga wacyigelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus ee Puntland ayaa waxaa looga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Covid-19 ee maamulkaasi. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyey illaa 22 Ruux, islamarkaana 8 ka mid ah laga helay xanuunka, kuwaas oo kala ah 5 rag ah iyo 3 Dumar ah. Sidoo kale guddiga ayaa ugu baaqay shacabka deegaanada Puntland inay qaataan talooyinka caafimaadka, islamarkaana ay u hoggaansamaan amarada maamulkaasi. Tirada kiisaska la xaqiijiyey ee Puntland ayaa gaaraya 38 qof, kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ama go’doon, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad. Cudurka Coronavirus oo markii hore ka soo bilowday Shiinaha, islamarkaana soo gaaray Soomaaliya ayaa waxaa maalin kasto uu soo ridaa dad hor leh, taas oo kordhisay tiirada. Share this post Link to post Share on other sites