Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada dadka qaba COVID-19 ee laga helay Soomaaliya oo gaartay 756 kiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta xanuunka Coronavirus  waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay diiwaan gelisay 34 kiis oo COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 26 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 8-da kale ay yihiin haween..

Tirada guud ee bukaannada laga helay COVID-19 ee wasaaraddu diiwaan gelisay ayaa gaartay 756 waxaa bogsootay 61 Ruux. 35 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.

Wasiir Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka  Soomaaliyeed  in ay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo khatarta cudurka.

PUNTLAND POST

The post Tirada dadka qaba COVID-19 ee laga helay Soomaaliya oo gaartay 756 kiis appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this