Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ‘jab weyn’ la kulmi doonta haddii ay Somalia kala baxdo ciidamadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si rasmiya u bilowday hordhaca wada-hadalo ay ku rabto inay kula baxdo Ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika, ee gudaha Soomaaliya u jooga arrimaha nabad ilaalinta.

Wargeyska The Conversation, ee inta badan baahiya faaqidaadaha ayaa arrintaasi ka qoray warbixin uu ku muujinayo jabka dowladda Kenya kasoo gaari kara ciidamadaasi ay kala baxeyso Soomaaliya, iyo sidoo kale guulaha ay kala kulmeyso ciidamada ay dib ugu celinayso dalkeeda.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay jab weyn la kulmi doonto haddii ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, taasi oo ay ku lumin doonta awoodeeda ciidan iyo mideeda diblumaasiyadeeda ee bariga qaarada, gaar ahaan mida gobolka Geeska Afrika.

Qorshaha bixida ciidamada Kenya ayaa fursad weyn u noqon doona ciidamada Itoobiya ee ay ka wada tirsan yihiin howl-galada midowga Afrika ee nabad ilaalinta, iyada oo la saadalinayo in Itoobiya ay saameyn weyn ku yeelato gudaha Soomaaliya.

Xoogeysiga Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ee usii gogol xaadheyso bixida Ciidamada Kenya ayaa horseedi kara awood ay dowladda Farmaajo ay kusii joogeyso talada dalka, isla markaana ay ciidamada Itoobiya u adeegsan doonto mucaaridka iyo warbaahinta kasoo horjeeda siyaasadeeda, sida lagu xusay warbixinta wargeyska

Dhinaca kale, Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay guulo weyn ka gaareen baajinta weerarada qorsheysan, iyaga oo haddana u muuqda in uu gaabis weyn ka jiro hadafkooda koowaad ee nabad sugida, wallow ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaano dhowr ah.

Ciidamada Kenya ayaa markii 2011-kii ay gudaha u soo galeen Soomaaliya, waxa ay ku guuleysteen inay lumiyaan awooda Al-Shabaab ee magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyagoona qeyb ka ahaa howl-galkii cuslaa ee gacanta Argagixisada looga saaray magaalada Kismaayo oo hadda ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Qorshaha ay Kenya ku dooneyso inay Soomaaliya kala baxdo ciidamadeeda ayaa ku soo aadaya iyada oo ay sii kordheyso naceybka ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan uu sarre u kacayo, isla markaana uu sii xoogeystay xifaaltanka kala dhaxeeya dowlada Itoobiya, oo iyadu saaxiib dhow la ah madaxweynaha talada dalka haya.

Sidoo kale waxa uu qorshahaasi ku soo aadaya xili ay dowladda Kenya  wajaheyso weeraro uga imaada Al-Shabaab, iyada oo wargeyskuna ku sheegay in ka bixida Soomaaliya ay bad-baado u noqoneyso nolosha bulshadeeda iyo kheyraadka dalka Kenya.

Waxaana la filayaa inag dalka gebi ahaanba ka baxaan Ciidamada Kenya sanadka soo socda ee 2021-ka, hadeysan waxba iska badalin qorshaha ay ciidamadooda ugala baxayaan Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this