Deeq A. Posted May 4, 2020 Inta la hubo afar qof ayaa ku dhintay diyaarad lagu soo diray degmada Bardaale ee gobolka Bay. Diyaarada oo sida la sheegay siday shixnad gargaaar ah ayaa gantaal haleelay galinkii dambe ee Isniintii inta aysan soo gacadhigan garoonka diyaarada Bardaale, dhamaan dadkii saarnaa ayaana ku geeriyooday. Diyaarada oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Africa Express Airline ayaa markii hore ka soo kacday magaalada Muqdisho, waxayna ku soo hakatay garoonka diyaarada Baydhabo, ka hor inta aysan u duulin Bardaale oo ay ku burburtay.Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya soo riditaanka diyaarada iyo tirada dadkii saarnaa, waxaana Wasiirka Gaadiidka Dhul iyo Cirka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eeley oo hadlay sheegay in baaritaan lagu wado dhacdadan. PUNTLAND POST The post Diyaarad lagu soo riday degmo ka tirsan Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites