Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Diyaarad ku dhacday garoonka Bardaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Bardaale (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Diyaaraddan ayaa waxaa la sheegay inay lahayd shirkadda diyaaradaha African Express, islamarkaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan shirkadda.

Diyaaradda ayaa lagu warramayaa inay ku dhacday meel u dhow garoonka, oo banaanka ah.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dad gaaraya illaa shan qof ay diyaaraddaas saarnaayeen, kuwaas oo illaa hadda aan la ogeyn xaaladdooda.

Illaa iyo ma cadda waxa sababay inay diyaaraddaas ay dhacdo, waxaana weli wararka arrintan ku saabsan ay yihiin kuwa isa soo taraya.

Nagal filo faah-faahin dhowaan Insha Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this