Deeq A. Posted May 4, 2020 Bardaale (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Diyaaraddan ayaa waxaa la sheegay inay lahayd shirkadda diyaaradaha African Express, islamarkaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan shirkadda. Diyaaradda ayaa lagu warramayaa inay ku dhacday meel u dhow garoonka, oo banaanka ah. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dad gaaraya illaa shan qof ay diyaaraddaas saarnaayeen, kuwaas oo illaa hadda aan la ogeyn xaaladdooda. Illaa iyo ma cadda waxa sababay inay diyaaraddaas ay dhacdo, waxaana weli wararka arrintan ku saabsan ay yihiin kuwa isa soo taraya. Nagal filo faah-faahin dhowaan Insha Allah Share this post Link to post Share on other sites