Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaallo xoogan oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo ku bilowday qaraxyo oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaallada oo ahaa kuwa is xig-xigay ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanada Ceelsaliini iyo Bariire ee gobolkaasi.

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka warbixiyey dagaalladan iyo weeraradii ka horreeyey ayaa sheegay inay ku dileen tobaneeyo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka furteen dagaalyahanadii weerarada soo qaaday hub iyo gaadiid, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this