Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo dil ka geystay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta ruux shacab ahaa lagu dilay deegaanka Taaruge oo galbeed ka xiga magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay ka dambeeyeen dilkaasi, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Wararka ayaa sheegaya in toogashadan ay salka ku heyso dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Dhinaca kale waxaa magaalada Gaalkacyo ka socda kulamo xal loogu raadinayo xiisada colaadeed ee ka taagan deegaanka Taaruge ee gobolka Mudug.

Wariyaha Shabelle Cali Gaab ayaa sheegay in kulamadaasi uu garwadeen ka yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:-

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/warbixin.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this