Sign in to follow this  
Deeq A.

Heliwaa iyo Balcad oo ku madlan tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmooyinka Heliwaa iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe ayaa caawa isaga hor imaan doono tartan aqooneedka Shabelle.

Labada degmo ayaa ku wada jira group-ka C ee tartanka sanadlaha ah ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Heliwaa ayaa horay barbaro ula soo gashay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir, halka Balcad laga badiyey, kadib markii ay isku beegmeen Dayniile.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle abaal marin qaali ah ku bixinaya  dallada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this