Sign in to follow this  
Deeq A.

Norway Oo Sharci Siineysa 1600 Oo Qof Oo Soomaali Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Oslo)-Ku dhawaad 1600, oo qof oo Somali ah oo horey sharciga degenaanshaha dalka Norway looga xayiray, ayaa dhawaan loo ogolaaday in la siinayo sharciga ay dalkaasi ku joogi karaan.

War ka soo baxay wasaaradda Caddaladda ee dalka Norway, ayaa lagu sheegay in dadkaasi oo badankoodu mudo dheer sharciga sugayey, loogu ogolaaday siyaabo kala duwan oo la xidhiidha xaaladaha bani’aadannimo.

Dadkan ayaa la sheegay inay badankood dalka Norway soo galeen intii u dhaxeysay sannadihii 2012 illaa 2016.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this