Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo raadineysa dad muslimiin ah oo habeenkii usoo dhuunta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheera (Caasimadda Online) – Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya, Musliiminta dalkaas kasoo jeedo ayaa bilaabay inay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan gudaha Soomaaliya, si ay kaliya u dukadaan Salaada Taraawiixda.

Wargeyska ayaa qoray in Booliska ay ku raad joogaan shaqsiyaadka Muslimiinta ah ee ku nool Magaalada Mandheere ee habeenkii Taraawiixda u aado gudaha Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Mandheera Onesmus Kyatha ayaa sheegay in la karantiili doonaan cid kasta oo ka gudubto xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

“Waxaan haynaa macluumaad ah in dhowr qof oo reer Mandheera ah ay u gudbeen Soomaaliya si ay salaad ugu dukadaan masaajidyada halkaas ku yaal. Waxaan hawl galinay ciidamadeena Amniga, qof kasta oo lagu helo waa la qabanayaa, maxkamad ayaa la saari doonaa markii ay soo dhameystaan karantiilka 14 maalmood ah,” ayuu yiri Mr Kyatha.

Taliyaha ayaa dadkaas ugu baaqay inay qaataan talooyinka hey’adaha Caafimaadka Kenya, si looga hortagi faafitaanka cudurka COVID-19 isla markaasna ay iska dhaafaan dhuumaaleysiga ay ku galayaan gudaha Soomaaliya oo kamid ah dalalka uu ku faafay cudurkaan.

Tallaabada muslimiinta Kenya ay qaadeen oo ah inay si dhuulaameysi ah Taraawiixda ugu soo dukadaan gudaha Soomaaliya ayaa timid kadib markii la xiray dhammaan Masaajida dalka Kenya, taasoo qeyb ka ah ololaha looga hortagayo cudurkaan.

Dalka Kenya ayaa laga helay  illaa 400 kiis oo cudurkaan ah halka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay sheegtay in gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey illaa 700 qof oo uu ku dhacay cudurkaan.

Dhammaan Masaajida ku yaalo gudaha Soomaaliya ayaa waxaa laga oogaa Salaadaha Waajibka iyo kuwa taraawiixda, waxaana fashilmay isku day ay Dowladda ku dooneysay inay masaajida ku xirto kadib markii ay arrintaas ka hor imaadeen culumada iyo Shacabka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this