Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga oo war ka soo saaray weeraro Shabaab ay ku qaadeen saldhigyada Ceel-Saliini iyo Bariire (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa war kasoo saaray weeraro ay maleeshiyada Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyada Ceel-Saliini iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ahaa isku day ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo arbushaad ah, oo ciidamada dowladda ay iska caabiyeen.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in toban ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay weeraraka, islamarkaana tiro kale oo badan looga dhaawacay. Ciidamada waxay sheegeen inaysan jirin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in aad loo wiiqay awooddii Al-Shabaab ay u lahayd inay fuliso weeraro wax ku ool ah, taasina ay tahay sababta ay weeraradooda ugu fashilmeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah kasoo saarin weeraradan.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo horey u weeraray saldhigga Ceel-Saliini, waxaana kii ugu dambeeyey uu dhacay 19-kii Febraayo ee sanadkan.

WeerarkiiFebraayo ayaa lagu dilay 24 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, isla markaana la gubay lix gaadiid ah oo iskugu jira booyad, baabuurta kale ee ciidanka iyo mootooyin. Al-Shabaab ayaa looga dilay 40 maleeshiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this