Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Gobolka Banaadir Iyo Culimada Soomaaliyeed oo deeq gaarsiiyay 2,600 oo qoys

Recommended Posts

Deeq A.   

Barnaamijka afuri walaal oo ay iska kaashadeen ganacsatada gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah shirkadaha ka jira dalka oo ay ugu horeyso shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta waxaa ka faa’ideesatay 2,600 oo ah qoysas danyar ah oo ku nool shan degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Gargaarka oo isugu jiray bur, bariis, sonkor, saliid, iyo timir la doonsiiyay qoysaska danta yar ah oo ku kala nool degmooyinka Hodon, Howlwadaag, Wardhiigley Waabari iyo degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, waxaana dadka ka faa’ideystay ay ahaayeen qooysas danyar ah oo aad ugu baahi qabay maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxa hay’ada Salaam Hormuud foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka hadlay ay xarunta degmada Hodon oo kamid ahayd goobahii deeqda lagu qeybinayay ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay barnaamijka afuri walaal oo ay iskakaashanayaan gudi ka kooban Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Hormuud Foundation iyo Salaam Bank.

Cabdiraxmaancabdullaahigalaambioo ah gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaliyeed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijka afuri walaal loogu talagalay in ay ka faa’ideestaan 10,000 oo qoys oo danyar ah kuwaasoo ku kala nool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir

Gudoomiyaha degmada Hodon ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdii gudiga afuri walaal ay soo gaarsiiyeen degmada islamarkaana ay kafaa’ideesteen dad dan yar ah kuwaasi oo si aad ah ugu baahiqabay deeqdan.

Barnaamijka afuri walaal waxaa horay uga faa’ideestay ilaa sideed degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaasi oo isugeyntooda kadhigaysa marka la isku daro 5-ta degmo ee maanta kafaa’ideesatay.

Gudiga ayaa sheegay in degmooyinka harsan iyana sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono barnaamijka afui walaal.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA:

111 222 3333 4444

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this