Deeq A. Posted May 4, 2020 Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. Dagaalladan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weeraro saf-ballaaran ah ku qaadeen saldhigo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuw Kenya ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaallada ay socdeen in muddo ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladaasi iyo sidoo kale weerarada ka horreeyey intaba, hase yeeshee ciidanka dowladda ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada qaranka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo cusub oo ay ku xaqiijinayaan amniga deegaanka. Al-Shabaab ayaa tan iyo markii la gudaha bisha barakeysan ee Ramadaan sare u qaaday weerarada ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Share this post Link to post Share on other sites