Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma guuleysan doonaan isku dayada afgambi ee Imaaraaadka ay ka wadaan laba dal?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax ka yar 48 saacadood gudahood, gooni u goosatada golaha ku meel gaaka ah ee koofurta Yemen iyo dagaal oogaha Libya ee Khaliifa Haftar, waxay ka fallaagoobeen Dowladohoodii, taas oo xadgudub ku ah hindiseyaashii hore ee nabadda.

Talaabooyinkaas ma aysan dhaceen haddii aysan ahayn gacanta qarsoon ee Imaaraadka Carabta, Abu Dhabi ayaa awood siisay labada kooxoodba, si ay awood ugu gaarto.

Horraantii 26-kii April, gooni u goosatada golaha ku meel gaaka ah waxay “ismaamul” uga dhawaaqeen magaaladda Cadan, caasimaddii hore Koofurta Yemen ka hor inta aysan la midoobin waqooyiga sanadkii 1990-kii, waxayna soo geba-gabeeyeen heshiiskii Riyadh ee ahaa in ciidankoodu ay la midoobaan Dowladda uu hogaamiyo Cabdu Rabbu Mansoor Hadi.

Habeeenkii xigay, Haftar ayaa ku dhawaaqay in uu yahay hogaamiyaha Libya islamarkaana uu leyahay “muddo xileed sax ah”, isagoo sheegay in uu doonayo in uu “abuuro xaalado lagu dhisayo hey’ado rayid ah oo joogto”. Taasi waxay ka dambeysay markii uu tir-tiray heshiiskii Skhirat ee lagaaray sanadkii 2015-kii, kaasi oo dhigayay in uu Dowlad kula midoobo Xukuumadda caalamku aqoonsanyahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.

Xilli aan hoobeyn

Xilligaas aan habooneyn waxa ay abuureen layaab, sababtoo ah Labada kooxood oo si weyn ugu tiirsan Imaaraadka. Waa suurta gal in Abu Dhabi – ka sokoow diidmadeeda rasmiga ah go’aankii gooni ugoosatada koofurta Yemen – ay dhiiri gelisay kacdoonka is xig-xiga ee ka dhanka ah Hadi iyo Dowladda Caalamku aqoonsanyahay ee Liibiya.

Iyadoo gooni ugoosatada koofurta Yemen ay wajahayaan cadaadis uga imaanaya Dowladda Yemen kaasi oo ku saabsan in ay u hogaansaman heshiiskii awood qaybsiga ee Riyad lagu gaaray sanadkii 2019-kii,  Dowladda Libya ee Turkigu taageerayana waxay dhawaan ka hortagtay xoogagga Haftar, talaabooyinkaasi waxay qayb ka yihiin iskuday dhab ah oo lagu sugayo jiritaanka Dowladaha.

Abu Dhabi waxay ka shaqaysay in ay xaqiijiso in labada kooxba ay awood iyo saameyn yeeshaan, si ay u sugto saameynteeda gobolka. Tan iyo sanadkii 2014-kii Imaaraadka waxay u arkeysay Haftar in uu yahay awood muhiim ah si ay ugu celiso dadaalladii Masar ay uga sameysay nidaam militari oo keligi talis ah, sidaas darteedna waxay garbaha ku qaadatay dagaal oogaha Libya.

Abu Dhabi waxay door muhiim ah ka cayaartay dhismaha ciidanka Haftar ee loogu yeero Ciidanka Qaranka Libya, waxayna faraha kula jirtay ololihiisa uu ku doonayay in uu Tripoli kula wareego tan iyo April 2019-iyadoo badanaa ka faa’iideysaneysa fikradda xun ee Ruushku kala kulmo reer galbeedka.

Kadib markii uu Khaliifa Haftar ka baxay wadahadaladii ay garwadeenka ka ahaayen Ruushka iyo Turkiga ee lagu qabtay Moscow bishii January, waxaa uu dareemay in uu taageero fiican ka heysto meel kale oo ah Abu Dhabi – si uu dib ugu billaabo howlihiisa militari, isagoo muujinaya saameeynta adag ee Imaaraadka ay ku leedahay dagaal oogaha iyo Libya qudheeda.

Sheegashooyinka laga shakisan yahayay

Iyada oo taageereysa gulufka Haftar, Imaaraadka waxay maal geliyeen ayna taageereen Golaha Gooni u Goosatada ee koofurta Yemen tan iyo aasaaskoodii 2017-kii.  Fallaagadu waxay dalbadeed Madaxbanaani koonfurtu ay ka qaadato Waqooyiga wadanka. Iyaga oo si shaki ku jiro u sheegayana in ay matalaan danaha dadka Yemen ee koofurta degan, Gooni u Goosatada qudhooda waxaa aas-aasay Imaaraadka Carabta.

Duqayntii Cirka ee Imaaraadku Carabtu u geysteen ciidanka Dowladda Yemen kadib markii ay Gooni u Goosatadu afgambi ka fuliyeen magaalada Cadan bishii August ee sanadkii hore waxay muujisay in taageeradda ay u hayaan falaagada. Waxay dooneysay in ay cuuryaamiso heshiiskii Riyadh lagu gaaray sanadkii lasoo dhaafay ee Sucuudigu kasoo shaqeeyay kaasi oo ay taageereen maleeshiyaada koofurta oo dhan oo ay ku jiraan kuwa jooga jasiirada muhiim ka ah ee Socotra.

Imaaraadka waxay raadinaysaa in ay maamusho koofurta Yemen iyo dekadeheeda, gaar ahaan Caden iyo Socotra, si ay u abuurto aag ay ku saameyso badda cas una kordhiso ganacsigeeda badda. Waxay Imaaraadku doonayaan in ay ka hortagaan madax banaanida dekadaas iyo Yemen si uusan ugu weecan ganacsiga dekadeheeda.

Imaaraadka Carabtu waxay sidoo kale raadinayaan in ay cuuryaamiyaan madaxbanaanida Libya, sababtoo ah Liibiyada saliidda hodanka ku ah waxay soo jiidan kartaa maalgashi caalami ah waxayna la tartami kartaa Abu Dhabi. Xitaa hadii uu Haftar la wareegi waayo Libya, kacdoonkiisii dhowaa waxaa uu uga sii darayaa kala qayb sanaanta Libya. Sidaas darteed, Imaaraadka waxay maamuleeysaa kooxaha kala duwan, si u xaqiijiso saameyteeda.

Labada koox ee hoos tagta Imaaraadka, midba midka kale waxaa uu u muujiyay aqbalaad. Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay Madaxweyne ku xigeenka Gooni u Goosatada Yemen Hani bin Breik waxaa uu ku dhaawaaqay in golaha gooni u goosadku uu tageerayo Khaliifa Haftar, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ciidankiisa la wadaagan “khubarada iyo khibradda” si uu ula macaamilo “maleeshiyaadka sharci daradda ah” ee Libya.

Labadda kooxoodba waxay xambaaraan hindisaha xagjir diidka ah ee Imaraadka Carabta, si ay cudur daar ugu sameeyaan dadaalladooda militari, iyagoo sheeganaya in ay sharci yihiin islamarkaana ay dadkooda matalaan.

Kala qaybsanaanta Sucuudiga iyo Imaaraadka

Weli, si ay u gaarto hamigeeda, dowladda Imaaraadka waxay wajaheeysaa caqabado, ugu horeyn uga imaanaya xulifadeda Sucuudi Carabiya kaasi kala shaqeeyay in ay saameyn ku yeelato Yemen iyo Liibiyaba . Caqabadasi waxay kordhiyeen loolanka u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo ku kala qayb samay Yemen, taas oo mararka qaarna laga bad-badiyo.

Imaaraadka waxay xaqiiqdii abuurtay xiriirro aad u saxan iyadoo u mareysa awood siinta Golaha Gooni u Goosadka Yemen iyo maleeshiyaadka la shaqeeya, marka loo barbar dhigo Sucuudiga oo ay sii yaraaneyso saameyntii uu u marayay taageeradda Hadi. Sucuudi Carabiyana waxay Haftar dhaqaale ku siisaa in uu weerar ku qaado Tripoli, Imaaraadka Carabtuna waxaa uu Sucuudiga ka qaaday hoggaanka Haftar.

Sucuudi Carabiya badanaa waxaay mowqif qarsoon ka aaminsan tahay Imaaraadka oo meel madax banan ka taagan Yemen. Weli, marka la eego is xulufeysiga kale ee gobolka ay ku leeyihiin, ajandaha ay wadaagaan ee kacdoon la dirirka ah, maalgelinta adag iyo xiriiradooda military-ga – xukuumadda Riyad diyaar uma ahan in ay ka hortimaado xukuumadda Abu Dhabi.

Inkastoo ay Imaaraadka si weyn u garab martay Sucuudiga, haddana Imaaraadka waa ay in ay raacdaa beesha caalamka si ay awood ugu yeelato Yemen iyo Liibiya, taageerana ugu hesho kooxaha hoos taga.

Kasokoow diidmada koofurta ee qabsashada  Golaha Gooni u Goosadka Yemen, kooxdu waxay sameysay dadaalo ujeedkoodu yahay in ay noqoto cidda keliya ee mataleeysa koofurta Yemen.

Golaha Goo u Goosadka Koofurta Yemen waxaa la sheegay in ay adeegsanayaan adeegyo dhanka ololaha ah, sida ay muujiyeen qoraalo laga helay Maraykanka. Iyadoo ay wehliyaan dadaaladda marin habaabinta iyo ololaha ee Imaaraadka Carabtu ku leeyahay Maraykanka iyo meerayaasha siyaasadda ee Europe, kooxdu waxay horumarinayaan xiriiradooda warbaahinta iyo hey’adaha talo soo jeedinta, xulufo awood badan ayaana ka shaqaynaya in ay sharciyeeyaan dhaqdhaqaaqa uu Imaaraadku tageero.

Xasaanadda Caalamiga ah

Kala qaybsanaanta Europe iyo iskaashi la’antooda Liibiya, iyo mowqifka aan caddeyn ee Washington ay ka taagantahay, ayuu Imaaraadka Carabtu xor ugu yahay in uu taageero Khaliifa Haftar, gaar ahaana tageerada uu Faransiisku siiyo Generalka Liibiya. Xitaa hadii farogelinta military-ga Turkigu ay xaddido hor u socodka Haftar, Imaaradka Carabtu Ciidamo badan ayey usameyn doonaan si dagaalku meel walba u gaaro.

In Imaaraadku gaaro yoolkiisa Yemen, aad ayey u adkaan doontaa, si kastaba, Midowga Europe iyo Xogahayaha arrimaha Dibadda ee Maraykanak Mike Pompeo iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Yemen Martin Griffiths ayaa ka horyimid talaabadii ay dhawaan qaadeen Golaha Gooni u Goosadka ee Yemen, waxayna ku baaqeen in la xushmeeyo heshiiskii Riyadh.

Ugu dambeyntii, hubka ay Reer Galbedku ka iibinayaan Dowladda Imaaraadka Carabta waxuu calaamad u yahay in ay ogolyihiin ficilkeeda, taas oo micneheedu yahay in Abu Dhabi ay leedahay xasaanad ku filan oo ay abaabusho ficiladda ay dooneyso si ay u mamusho Libya iyo Yemen iyadoo ay qaylinayaan caasimadaha galbeedka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this