Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Galmudug oo shir deg deg ah ka yeelanaya xiisada ka dhalatay dagaalkii habeen hore

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta iyo Laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug, ayaa maanta oo Axad ah shir deg deg ah ka yeelanaya, dagaalkii habeen hore ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkii habeen hore, ayaa ka dhashay weerar ay soo qaadeen malayshiya hubaysan oo ka soo gudbay dhinaca Galmudug, kuwaas oo weeraray saldhiga ciidanka Daraawiishta Puntland ee Teerage oo ku yaalla galbeedka Gaalkacyo.

Waxaase tan iyo shalay labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ka socday, dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda ka dhalatay weerarka, si looga baaqsado isku dhacyo hubaysan oo ka bilowda gobolka Mudug.

Shirka maanta oo ka qabsoomaya dhinaca waqooyi ee Gaalkacyo, waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiinta heer gobol iyo laamaha Amniga labada dhinac, waxaana looga arrinsanaya sidii loo xakamayn lahaa colaadda ka soo cusboonaatay gobolka.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Galmudug oo shir deg deg ah ka yeelanaya xiisada ka dhalatay dagaalkii habeen hore appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this