Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Qoraal uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa waxuu ku sheegay in ay wadahadleen Madaxweynaha Turkiga.

Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa sheegay dhiggiisa Turkiga uu kaga mahadceliyey hiilka walaalnimo iyo agabka caafimaadka ee ay sida deg-degga ahi ugu soo direen Soomaaliya.

“Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdogan. Aniga oo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad, ee ay sida deg-degga ah noogu soo direen.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku xusay in gargaarka Turkiga uu kaalin mug leh ka geysanayo ka hortagga Covid-19.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxuuna ka caawiyaa dhinacyada tababarka ciidamada, siyaasadda iyo arrimaha bani’aadanimada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this