Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasime Cabdinuur oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo wareysi siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xeerka saxaafadda Soomaaliya.

Cabdinuur ayaa marka hore sheegay in xeerkaan uusan la jaan-qaadi karin nidaamka dowladda Soomaaliya, islamarkaana la sameeyey, xilligii gumeystihii Talyaaniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu haatan qorsheynayo inuu dib u eegis ku sameeyo xeerkaasi.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dowladda federaalka marnaba aysan caburin ku heynin saxaafadda madaxa banaan.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan raali ka aheyn in la dhibaateeyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Wareysi-Agasimaha-Madaxtooyada-Somaliya-Abdi-Nuur-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this