Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Waabari oo jir-dilay wariyeyaal ka tirsan Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka tirsan maamulka degmada Waabari ayaa goor dhow jir-dil xoogan u geystay howlwadeeno ka tirsan Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Wariye Safiyo Cismaan Cabdulle oo ah war-doon ka tirsan Tv-ga iyo Idaacadda Shabelle ayaa waxaa si arxan darro gacan ugu qaaday guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Waabari, kaas oo dhaawac gaarsiiyey, kadib markii uu dhagax la dhacay.

Safiyo oo uu dhaawac culus ka soo gaaray falkaasi ayaa la geeyey mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa isna jir-dil loo geystay Gacal oo ah Kaamiro-Maan ka tirsan Telefishinka Shabelle, iyada oo laga qaatay qalabkii uu watay.

Wariyeyaasha Shabelle ayaa u tegay degmada Waabari dibadbax halkaasi ka dhacayey oo ay dhigayeen haweenka nadaafadda ka shaqeeya, kuwaas oo ku eedeeyey maamulka degmadaas inuu musuq-maasuqay raashin mucaawino ah oo iyaga loogu talagalay.

Mid ka mid ah haweenka ka qeyb galayey dibadbaxaasi oo goobjoog u aheyd dhacdada ayaa faah faahin ka bixisay, sida ay wax u dhaceen.

Shalay ayey aheyd markii Muqdisho laga xusay maalinta xorriyada saxaafadda adduunka, iyadoona wariyeyaasha Soomaaliyeed oo dhigay dibadbax cabasho ah ay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay caburin iyo hanjabaad ay ku heyso suxufiyiinta madax banaan.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Turki-.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this